Golaha wasiirrada Somaliland oo ansixiyay heshiiskii wada-gareen Somaliland iyo Israa’iil

Hargeysa ( Raxanreeb Online) Golaha wasiirrada ee Somaliland ayaa shalay ansixiyay baaqii wadajirka ahaa ee wada-gareen madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ( Cirro) iyo Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Natanyahu.

Madaxweyne Cirro, ayaa sheegay in maalmaha soo socda loo gudbin doono golaha wakiiladaSomaliland si ay uga doodaan una ansixiyaan.

Sidoo kale madaxweyne Cirro, ayaa sheegay in 40-ka xubnood ee golaha wasiirrada Somaliland ay si wadajir ah u ansixiyeen baaqa, waxa uu tilmaamay in aysan jirin xubin diiday ama ka aamusay, waxa uuna carabka ku dhuftay in heshiiskan uu yahay mid qeexaya qaabka iskaashiga ay labada dhinac si isku mid ah u wadagayaan.

Geesta kale Madaxweynaha ayaa sheegay in heshiisku uu koobayo iskaashi dhinacyada amniga, siyaasadda iyo diblumaasiyadda, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo adeegyada guud. Waxa uu xusay in mudnaanta koowaad la siin doono mashruucyada biyaha.

Isaga oo sii hadlayay Cirro, ayaa tilmaamay in qorshuhu yahay in saddexda sano ee soo socota shacabka intooda badan ay helaan biyo nadiif ah, isla markaana adeegyadaasi gaadhaan dhammaan caasimadaha gobollada, ciidamada ilaalada xuduudaha iyo bulshada reer miyiga ah ee ku tiirsan xoolaha.

Ugu dambeyn madaxweyne Cirro, ayaa sheegay in Somaliland ay xoojin doonto xiriirada ay la lee dahay saaxiibada caalamka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.