Niger ( Raxanreeb Online) Sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta dalka Niger, 49 qof oo tahriibayaal ah ayaa haraad ugu geeriyooday saxaraha waqooyi ee dalkaas, ka dib markii uu ka xumaaday gaarigii ay la socdeen oo ku go’doomay aag cidlo ah.
Labo qof oo kaliya ayaa ka badbaaday dhacdadadan ka dib markii ay lugeeyeen in ka badan 50 kiiloomitir si ay u gaaraan meel biyo laga helo, halka dhammaan dadkii kale ee naftooda waayay ay ahaayeen muwaadiniin u dhashay dalka Niger oo markii dambe loo sameeyay aas-wadareed.
Deegaannada saxaraha ah ee u dhexeeya Niger iyo Liibiya ayaa muddo dheer ahaa marin halis ah oo ay ku naf-waayaan dhalinyaro badan oo raadinaya nolol dhaanta midda dalkooda.

Leave a Reply