Goobaha ganacsiga ee Suuqa Bakaaraha oo maalintii labaad xiran

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Waxa maalinta labaad xiran goobaha ganacsiga ee Suuqa Bakaaraha gaar ahaan Suuq Khaliifa, kaddib markii ganacsatada lagu soo rogay amaro culus.

Qaar kamid ah ganacsatada Suuqa Bakaaraha, ayaa sheegay in amar kasoo baxay wasaaradda Maaliyada darted ay u xireen goobahooda ganacsiga.

Ganacsatada ayaa sheegay in lagu soo wargeliyay in ay wareejiyaan Akoonadooda ganacsiga, taasina ay keentay in goobahadooda ganacsiga ay xiraan.

Sidoo kale ganacsatada ayaa hoosta ka xariiqay in amarkan kasoo baxay wasaaradda Maaliyada, uu culees ku yahay isla markaana ay dowladda ugu baqayaan in laga joojiyo.

Ma ahan markii ugu horeeysay ee ganacsatada Suuqa Bakaaraha ay cabasho ka muujiyaan amarada dowladda oo intooda badan ay culeesyo ku dareemayaan ganacsatada.

Ma jirto ilaa iyo hadda mas’uul katirsan dowladda oo ka hadlay xirnaanshaha goobaha ganacsiga ee Suuqa Bakaaraha iyo cabashada ganacsatada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.