Garoowe ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Deni, ayaa magaalada Garoowe kula kulmay wefdi ka socday dowladda Mareykanka, kuwaasi isugu jira mas’uuliyiin iyo saraakiil ciidan.
Wefdiga ayaa waxaa hoggaaminaya sii-hayaha safiirka Mareykanka Justin Davis, iyada oo ay qeyb ka yihiin saraakiisha howlgalka AFRICOM, gaar ahaan Col Shane Jones Taliyaha howlgallada gaarka ah ee Mareykanka ee qaarada Afrika.
Labada dhinac ayaa kulanka uga hadlay xaalada amniga iyo siyaasadda guud ahaan Soomaaliya, iyo dagaalka ay Puntland kula jirto kooxda Daacish eek a socda Buuraha Calmiskaad.
Qoraal aksoo baxay maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland ay dowladda Mareykanka kala hadashay dhinacyada amniga maalgashiga, iyo ka faa’idaysiga khayraadka dabiiciga ah ee Puntland, sida Macdanta, Kalluumeysiga iyo Shidaalka.
Dhankiisa ku simaha safiirka Maraykanka ayaa boggaadiyey hawlgalada ciidamada Puntland ka wadaan buuralayda Calmiskaad iyo jabka la gaarsiiya kooxda Daacish.
Sidoo kale safiirka ayaa Puntland ku amaanay horumarka iyo nabadgelyada ka jirta , waxaana uu balanqaaday taageerada Dowladda Maraykanka ee dhinacyada Adkeynta Amniga iyo baahinta adeegyada bulshada iyo horumarinta dhaqaalaha.

Leave a Reply