Muqdisho ( Raxanreeb Online) Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, ayaa shaaciyay xarumaha iyo goobaha codbixinta ee doorashada ku-celiska ah ee Dowlad-goboleedka Galmudug.
Guddiga ayaa sheegay in tallaabadan ay qeyb ka tahay fulinta jadwalkii doorashada ku-celiska ahaa ee uu soo saaray 31-kii Agoosto 2026.
Doorashada ku-celiska ah ee Galmudug ayaa la qorsheeyay in la qabto 30-ka Sebtember 2026, iyadoo Guddigu uu sheegay inuu sii wado dhammeystirka howlaha farsamo iyo diyaar-garowga doorashada.
Doorashadan ayaa daba socota go’aan ka soo baxay Maxkamadda Sare ee Soomaaliya oo lagu laalay natiijadii doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug ee horey u dhacday, iyadoo Guddiga Doorashooyinkana lagu amray in dib loo qabto doorashada.
Guddiga ayaa sheegay in doorashada cusub lagu qaban doono iyadoo la raacayo Dastuurka, shuruucda iyo habraacyada doorashooyinka dalka.
Sidoo kale, waxaa la filayaa in ururrada siyaasadda iyo dhinacyada kale ee doorashada ay gutaan waajibaadkooda ku aaddan diyaar-garowga codbixinta, oo ay kamid yihiin soo gudbinta liisaska musharraxiinta iyo wakiillada goobaha codbixinta.

Leave a Reply