Jowhar ( Raxanreeb Online) Guddiga Qaran ee Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha ayaa si rasmi ah u shaaciyay jadwalka doorashada Golaha Deegaanka iyo golaha Wakiilada ee Dowlad-goboleedka Hirshabeelle.
“Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, isagoo gudanaya waajibaadkiisa shaqo ee ku xusan Qodobka 10-aad ee Sharciga Dhismaha, isla markaana fulinaya Qodobka 18-aad ee Sharciga Doorashooyinka Qaranka, wuxuu si rasmi ah u shaacinayaa jadwalka doorashada Dowlad-goboleedka Hirshabelle” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay guddiga.
Sida uu guddigu sheegay, jadwalku wuxuu qeexayaa marxaladaha kala duwan ee doorashada, kuwaas oo isugu jira diiwaangelinta musharrixiinta, ololaha doorashada, diyaarinta goobaha codbixinta doorashada.
Guddigu ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada ay khusayso, oo ay ku jiraan axsaabta siyaasadda, musharrixiinta, bulshada rayidka ah iyo shacabka Hirshabeelle, inay si dhow ula shaqeeyaan guddiga si doorashadu ugu dhacdo si hufan, nabad ah oo waafaqsan shuruucda dalka.
Shaacinta jadwalkan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu dardargelinayo diyaar-garowga doorashada, iyadoo la filayo in shacabka Hirshabeelle ay door muuqda ku yeeshaan doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod.


Leave a Reply