Dimishiq ( Raxanreeb Online) In ku dhow 35 qof ayaa ku dhintay, 30 kalena way ku dhaawacmeen shil gaari oo ka dhacay wadada Dimishiq-Deir ez-Zor, ee bariga Suuriya, Sabtidii.
Shilka ayaa dhacay markii bas ay saarnaayeen xubno ka tirsan Ciidamada Amniga Gudaha uu ka dhacay bas kale oo siday dad rayid ah oo ku sugnaa agagaarka Al-Sukhnah iyo Palmyra oo ku yaal wadada Deir ez-Zor-Damascus, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee rasmiga ah ee Suuriya (SANA).
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Suuriya ayaa sheegtay in kooxaha ambalaaska iyo hay’adaha ay khuseyso ay u carareen goobta shilku ka dhacay, halkaas oo ay sii wadeen qaadista dadka dhaawacmay iyo daadgureynta dadka ay dhibaatadu soo gaartay.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa dirtay tiro diyaarado helikobtaro ah si ay uga qayb qaataan daadgureynta caafimaad ee dhaawacyada iyo dhibanayaasha laga soo qaaday Garoonka Diyaaradaha Palmyra una qaaday Isbitaalka Ciidanka ee Homs, kooxo xiriir la leh Difaaca Madaniga ah ee Suuriya ayaa sidoo kale ka jawaabay dhacdada, sida laga soo xigtay SANA.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa xaqiijisay in isbitaallada ku yaal gobollada Deir ez-Zor iyo Homs la diyaariyey si loo soo dhaweeyo dadka dhaawaca ah, iyo in shaqaalaha caafimaadka iyo ambalaasta iyo dhammaan agabka daryeelka caafimaadka ee lagama maarmaanka ah la bixiyay.

Leave a Reply