Guddiga doorashooyinka oo shaaciyay waqtiga ay doorashooyinka ku qaban doonaan dowlad goboleedyada…

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa sheegay in bisha soo socota uu guddiga doorashooyin ku qaban doono dowlad goboleedyada, Galmudug, Hir-shabeelle, Waqooyi Bari iyo gobolka Gedo oo katirsan maamulka Jubbaland.

Waxa uu tilmaamay in laga soo maray howlo adag sidii doorashooyinka dadweynaha loo qaban lahaa,isla markaana shacabka Soomaaliyeed ay u dooran lahayeen madaxda ku mataleysa kursiga, oo ay kalsooni ku qaban sida uu hadalka u dhigay guddoomiyaha.

“Bisha soo socota waxaan rajeyneynaa in doorashooyinka ka bilaaban doonaan Gaalkacyo ilaa iyo Ceel-carfiid, kaddib waxaan geyn doonaa Laas-caanood ilaa Gedo oo Jubbaland ah” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Cabdikariin Axmed.

Hadalka guddoomiyaha guddiga doorashooyinka madax-bannaan ayaa imaanaya xili weli maamulada qaar ay dhaliilsan yihiin hannaanka doorashooyinka Qof iyo Cod ee ay wado dowlada federaalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.