Taliyaha Booliska Soomaaliya iyo kulan xasaasi ah la yeeshay guddoomiyaha guddiga madax-banaan ee….

Taliyaha Booliska Soomaaliya iyo kulan xasaasi ah la yeeshay guddoomiyaha guddiga madax-banaan ee….

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryam Qaasim oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Maxamed Haaruun , Agaasimaha guud ee Guddiga Mustafe Axmed iyo komishineerada Guddiga .

Kullan gaar ah oo labada dhinac dhexmaray ayaa looga hadlay wada-shaqeynta u dhexeysa Ciidanka Boliiska iyo Guddiga.

Kullanka ayaa si gaar looga hadlay ilaalinta xuquuqda aadanaha, isla-xisaabtanka, qabashada cabashooyinka, kormeeridda xaaladaha xabsiyada iyo goobaha dadka lagu hayo, si loo xoojiyo ilaalinta xuquuqda muwaaddiniinta iyadoo la dhowrayo xuquuqda aadanaha iyo ku dhaqanka sharciga.

Leave a Reply

Your email address will not be published.