Guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo oo shalay xilka laga qaaday oo isna xilka kaqaadis sameeyay.

Gedo (Raxanreeb oline) – Guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo Cabdullaahi Cabdi Jaamac (Shimbir), oo shalay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland xilka ka qaaday, ayaa isna goordhaw sameeyay xil ka qaadis iyo magacaabis.

Sidoo kale, Guddoomiye Shimbir ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu xilka uga qaaday maareeyihii garoonka diyaaradaha degmada Garbahaarey, waxa uuna u magacaabay maareeyaha cusub ee garoonka Cabdixakiin Maxamed Cumar.

Dhanka kale, Warqada xil ka qaadista uu sameeyay guddoomiyihii hore ee gobolka ayaa lagu ogeysiiyay xil ka qaadista uu sameeyay dowladda Federaalka Soomaaliya , gaar ahaan Wasaaradaha Duulista Hawada iyo Amniga Soomaaliya, lagumana xusin maamulka Jubbaland warqadan.

Sikastaba, Guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo ayaa taageero ka helaya dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana maalmo kahor ninkan iyo xubno kale oo la socday loo diiday in ay ka degaan garoonka diyaaradaha Garbahaarey, kaddib ammar kasoo baxay maareeyaha garoonkaasi .

Leave a Reply

Your email address will not be published.