Wasiirka arrimaha gudaha DF Cali Xoosh oo kulan laqaatay 135-ta oday ee saxiixayaasha

Muqdisho (Raxanreeb online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa maanta ku martigeliyey xarunta Wasaaradda odeyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee 135-ta.

Kulankan oo sidoo kale qeyb ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caydaruus Macallin ayaa ugu horeeyn Wasiir Cali Xoosh waxaa uu odeyaasha dhaqanka warbixin ka siiyey 3-da xeer ee doorashada ee Baarlamaanka ansixiyey.

(1). Xeerka Dhisidda Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.

(2). Xeerka Ururrada Iyo Xisbiyada Siyaasadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

(3.) Xeerka Doorashooyinka Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya isaga oo ku dheeraaday heerarka ay soo mareen, waxaa uuna carabka ku adkeeyey in dhaqanka ay weliba hormuud ka yihiin hagidda bulshada.

Dhankooda, Odeyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa si weyn u taageeray xeerarkaas doorashada ee Baarlamaanku ansixiyey, iyaga oo intaa raaciyey in isbadalkaasi uu yahay horusocod wanaagsan, taasina ay ku garab taagan yihiin.

Odeyaasha ayaa tallaabo muhiim ah oo taageero mudan ku tilmaamay in shacabka loo celiyo codkooga, iyaga oo ka dalbaday umadda in ay u diyaargaroobaan in ay toos u doortaan dadkii matali lahaa, doorashada qof iyo cod ahna ay tahay cadaalad la iska dhex arkayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.