Guniea-Bissau oo beenisay in ay aqoonsaneyso Somaliland

Dowladda Guinea-Bissau ayaa si cad u beenisay warar iyo hadallo ku faafay baraha bulshada oo sheegayay inay qorsheynayso ama ay aqoonsan doonto Somaliland.

Sida lagu daabacay boggaga rasmiga ah wasaaradda Arrimaha dibadda ee dawladda Guinea-Bissau, waxa ay beenisay in ay aqoonsaneyso Somaliland iyada oo sheegtay in aanay waxba ka jirin warar ay qoreen qaar ka mid ah Warbaahinta luuqaddaha Ingiriisiga wax ku tabiya iyo baraha bulshada.

Guinea-Bissau waxa ay sheegtay in ay ixtiraamayso madaxbannaanida iyo xuduudaha waddamada Afrikaca iyo xeerarka Qaramada midoobay.

“dowladda Guinea-Bissau waxay xaqiijisa inay sii wadayso ixtiraamka mabda’a midnimada iyo wadajirka dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika, iyadoo aan wax isbeddel ah lagu sameyn mowqifkeeda ku aaddan arrinta Somaliland” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sikastaba, ma ahan markii ugu horeeysay oo dal Afrikaan ah uu si cad ah u sheego inuu ilaalin doono midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.