Muqdisho ( Raxanreeb Online) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya fal naxdin leh oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir, kaasi oo ah in Nin uu xaaskiisa ku gubay degmadaasi.
Falkan naxdinta leh ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay Xaafada Suuqa Xoolaha, waxaa la tilmaamay in haweeney da’ah uu Ninkeeda si arxdan daran u gubay.
Wararka ayaa waxa intaas ku darayaan in Haweeneyda iyada oo garaab ah la geeyay isbitaal ku yaalla xaafada SOOS ee degmada Heliwaa, balse markii dambe ay u geeriyootay dhaawacii dabka kasoo gaaray.
Marxuumada ayaa lagu magacaabi jiray Safiyo Cali, waxa ayna aheyd Hooyo dhashay 11 carruur ah, falka ayaa waxaa u geystay Sayid Cumar oo ahaa Ninkeeda kaasi habeenimadii Arbacada ku gubay Gurigooda oo ku yaalla Xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.
Qaar kamid ah Ehelka Marxuumada ayaa inoo sheegay in saacadihii la soo dhaafay la il darneyd dhaawaca dabka, iyadoo ugu dambeyn u geeriyootay maanta.
Safiyo iyo Sayid Cumar ayaa la sheegay in maalmihii la soo dhaafay uu ka dhaxeeyay Khilaaf, waxaana Muqdisho ka baxsaday Eedeysanaha falkan geystay.

Leave a Reply