Human Rights Watch ” Ciidank RSF ee Suddaan xasuuq ba’an ayay gaysteen ”.

Human Rights Watch ” Ciidank RSF ee Suddaan xasuuq ba’an ayay gaysteen ”.

Darfur (Raxanreeb )- Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch, ayaa sheegtay in ciidamada RSF, ee dalka Suddaan laga yaabo in ay xasuuq ka geysteen caasimadda galbeedka Darfur ee El Geneina.

Kooxda xuquuqul insaanka ayaa tilmaantay in RSF iyo xulafadooda Carabta ay geysteen dembiyo ka dhan ah bini’aadminimada iyo dembiyo dagaal iyagoo si bareer ah oo laga shaqeeyay u beegsanaya bulshooyinka Massalit ee aan Carabta ahayn.

Waxa ay sheegtay hay’addo in laga yaabo in kooxaha xagjirka ah ay damacsanaayeen in ay meesha ka saaraan bulshada Massalit ee galbeedka Darfur, taas oo muujinaysa xasuuq.Hogaamiyaha RSF General Maxamed Hamdan Dagalo ayaa beeniyay in si ula kac ah loo beegsaday dad rayid ah.

Dagaalka sokeeye ee u dhexeeya RSF iyo ciidanka ayaa abuuray masiibo bini’aadantinimo oo baaxad leh, ugu yaraan saddex iyo toban kun oo qof ayaa la dilay, sagaal milyanna waa ay barakaceen.

Ciidamada RSF waxaa la aas aasay sanadkii 2013-kii, waxay asal ahaan ka soo jeedaan maleeshiyada caanka ah ee Janjaweed ee sida arxan darada aheyd ula dagaalantay fallaagada Darfur, iyagoo lagu eedeeyay inay isir sifeyn ka geysteen halkaas.

Ciidamada RSF waxay ka dagaallameen Koonfurta Kordofaan iyaga oo si anshax xumo ah ula dhaqamay, halka ay Daarfuur si wanaagsan ula dhaqmeen.
RSF waa awoodda dhabta ee ka jirta Suudaan, waxay isugu jiraan maleeshiyo beeleedyo, ganacsato iyo ciidan calooshood u shaqeystayaal ah.

Raxanreeb/BBC Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published.