Muqdisho (Raxanreeb) — Dowladda Federaalka Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa maanta du gudbisay Qaramada Midoobay, kaas oo ay ku dalbatay joojinta shaqada xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya, kaas oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano (UNSOM).
Warsaxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ayaa waxaa lagu sheegay in la joogo wakhtigii ay Soomaaliya u madax banaanaan lahayd howlaheeda gaarka ah.
Wasaaradda, ayaa shaaca ka qaaday in Dowladda Federaalka ay haatan horumar ballaaran ka sameysay dhismaha dowladnimada, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo siyaasadda, sidaas daraadeedna ay door bideyso madax-bannaanida horumarkeeda mustaqbalka.
Qoraalkan waxa ay Wasaaraddu ku sheegtay inay haboon tahay in loo gudbo wajiga xiga, ayada oo doorkeeda si toos ah loo siinayo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dowladda ayaa sheegtay inay sii wadi doonaan dadaalkeeda islamarkaana ay joogteyn doonaan horumarka horutabinta u leh dalka.
“Ka dib markii aan si qoto dheer u tixgalinay muhiimada istaraatiijiga ah. Waxaan jeclaan lahayn inaan muujinno in hadda ay habboon tahay in loo gudbo wejiga xiga ee booskayaga. Waxaan kalsooni ku qabnaa in aan sii wadi doono dadaalladayada ku aaddan joogteynta nabadda iyo barwaaqada,” ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah, oo ka soo baxay Qaramada Midoobay ku aadan arrintan cusub ee dalabka dowladda Soomaaouya.
Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli Wakiilka Qaramada Midoobay, ee Soomaaliya, Catriona Laing oo muddo sannad ah ka howlgaleysa dalka ay isaga tagi doonto.