Muqdisho ( Raxanreeb Online) Waxaa saakay si rasmi ah u biloowday Imtixaanka Shahaadiga ah ee fasalka 4-aad ee dugsiga sare oo ay u fadhiisteen 34,400 arday guud ahaan dalka Soomaaliya, sida ay shaacisay wasaaradda waxbarashadda dalka.
Tirada guud ardayda sanadkan ee Imtixaanka u fariistay ayaa kala ah 23,000 wiilal ah iyo 16,3000, kuwaasi oo ku sugan degmooyinka iyo gobollada dalka marka laga reebo Puntland iyo Somaliland.
Nuura Mustaf Mukhtar wasiir dowlaha wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa sheegtay in Imtixaanka sannadkan wax badan laga badalay, iyadoo dib-u-habeyn lagu sameeyay nidaamkiisa si loo xoojiyo hufnaanta, kalsoonida iyo tayada Imtixaanka.
Wasiirada ayaa sidoo kale xustay in Imtixaanka uu si habsami leh ugu socdo degmooyinka Ceel-dheer, Warsheekh, Buurhakaba, Laascaanood, Gaalkacyo iyo Boohoodle, waxa ay sheegtay in la adkeeyay amniga goobaha lagu galayo Imtixaanka.
Ugu dambeyn wasaaradda ayaa ardayda ugu baaqday in si kalsooni leh u galaan Imtixaanka, isla markaana ay ilaaliyaan sharciyadaha loo sameeyey goobaha lagu galayo Imtixaanka.
Leave a Reply