In ka badan 80 qof oo lagu dilay bariga Congo

In ka badan 80 qof oo lagu dilay bariga Congo

Mbuji-Mayi (Raxanreeb) — Tirada dhimashada ayaa gaareysa 41 kaddib weerarkii ay xagjiriinta jimcihii ku soo qaadeen tuulooyin ku yaal bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo sidaasina waxa sheegay afhayeen u hadlay ciidamada Congo.

Tirada guud ee lagu dilay gobolka ilaa iyo talaadadii ayaa ka dhigeysa in ay gaarto 80 qof.

Afhayeenka militeriga gobolka waqooyiga ee Congo Mak Hazukay ayaa sheegay in weeraradii jimcihii ee tuulooyinka Masala, Mapasana iyo Mahini ay fuliyeen xubno ka tirsan ciidamada Isbahaysiga dimuqraadiga ee ADF.

ADF oo xaruntooda ay tahay bariga Congo waxay sheegeen in ay isbahaysi la yihiin kooxda la baxday Dowladda Islaamka, waxayna fuliyeen weeraro joogto ah iyagoo xasiloonidarro ka abuuray gobolka oo kooxo badan oo xagjiriin ah ka dagallamaan.

Kooxda ayaa ka soo jeeda dalka dariska la ah ee Uganda, waxaana la rumeysan yahay in ay ka dambeeyeen dhowr weerar oo ka dhacay gobolka oo ay ku jiraan kan tuulada Masawau halkaasi oo 17 qof lagu dilay.

Khamiistii, shan mayd ayaa laga helay tuulooyinka Kabweli iyo Mamulese, sida uu sheegay Justin Kavalami, oo xubin ka ah bulshada rayidka ah oo gacan ka geystay raadinta meydadka. Isla maalintaas, lix meyd ah ayaa laga soo saaray wabi ku yaalla tuulada Mununze, ayuu yiri caaqilka tuuladaas.

Jimcihii, 13 mayd ayaa laga helay tuulada Makobu, sida uu sheegay hogaamiyaha bulshada rayidka ah iyo madaxa tuulada, taasoo ka dhigaysa tirada dadka lagu tuhunsan yahay inay dileen mintidiinta ADF tan iyo Talaadadii 82.

Suurtagal ma ahayn in aan la xiriiro ADF si aan faallo uga bixiyo.

Intii lagu guda jiray weeraradii fiidnimadii Jimcaha, rag hubeysan ayaa qoryo iyo baangado u adeegsaday dadka deggan tuulooyinka ku yaalla dhulka Beni, sida uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay Fabien Kakule oo ah sarkaal maxalli ah.

Vusindi Nick Junior, oo ah hogaamiyaha bulshada rayidka ah ee deegaanka, ayaa sheegay in xarun caafimaad oo deegaanka ah la gubay, sagaal qofna ay ku dhaawacmeen marka lagu daro 41-ka qof ee la dilay.

“Dhowr darsin oo rayid ah ayaa dhibanayaal u ah ADF ee bariga DRC maalmihii la soo dhaafay,” ayay tiri afhayeenka arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Nabila Massrali, iyadoo raacisay in loo baahan yahay si degdeg ah in la dardargeliyo dadaallada lagu raadinayo xal siyaasadeed.

“Kooxaha argagixisadu waxay ka faa’iidaysanayaan fowdada si ay u ballaariyaan awooddooda gobol markii horeba aan xasilloonayn,” ayay tidhi.