Iran oo ka hadashay weerarka uu Mareykanka uu ka fuliyay dalkeeda

Tehran ( Raxanreeb Online) Mas’uuliyiinta maxalliga ah iyo warbaahinta Iiraan ayaa sheegay in Maraykanku uu qaaday weerarro cusub oo lagu beegsaday goobo ku yaalla gobollada Khuzestan iyo Hormozgan.

Ku-xigeenka mas’uulka amniga ee xafiiska guddoomiyaha gobolka Khuzestan ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka ay saacaddu markay ahayd 5:55 subaxnimo gantaallo ku garaaceen goob ku dhow magaalada Shadegan. Wuxuu sheegay in ciidamada hawlgalka ay ku sugan yihiin goobta, isla markaana faahfaahinta khasaaraha la shaacin doono mar dambe.

Sidoo kale, Wakaaladda Wararka Tasnim ayaa sheegtay in qiyaastii 6:10 subaxnimo, diyaaradaha dagaalka ee Maraykanku ay mar kale duqeeyeen goobo ku yaalla Jasiiradda Qeshm, halkaas oo laga maqlay ugu yaraan laba qarax.

Sida ay wakaaladdu sheegtay, baaritaan ayaa weli socda si loo ogaado meelaha saxda ah ee la beegsaday iyo khasaaraha ka dhashay weerarrada. Tasnim waxay intaas ku dartay in saacadihii ka horreeyay weerarkan sidoo kale gantaallo dhowr ah lagu garaacay goobo kale oo ku yaalla Jasiiradda Qeshm.

Sikastaba, saraakiisha Maraykanka ayaan weli wax faallo ah ka bixin wararkan, waxaana faahfaahinta weerarrada aan weli si madax-bannaan loo xaqiijin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.