Muqdisho ( Raxanreeb Online) Guddoonka labada aqalka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta shaaciyay waqtiga rasmiga ah ee uu furmo doono kalfadhiga 8-aad ee labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaanada labada aqalka ayaa loo diray farriimo la xiriira in ay soo xaadiraan kalfadhiga Baarlamaanka oo furmi doona 1-ad bisha Agoosto 2026.
“ Haddaba Xildhibaanada iyo Senatarrada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaa lagu wargelinayaa in ay soo xaadiraan ka hor mudada la go’aamiyay ee furitaanka kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya si loo sii amba-qaado gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee loo hayo shacabka Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka kazoo baxay guddoonka labada aqal.
Geesta kale madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filaya in uu si rasmi ah u furmo kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Leave a Reply