Iran ( Raxanreeb Online) Wakaaladda wararka ee Iran ee Tasnim ayaa soo bandhigtay sawiro dhowr ah oo ay sheegtay in ay muujinayaan xarunta hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad oo dab ka kacayo.
Tasnim, oo soo xiganaysa Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran, ayaa sheegtay in Mossad lagu garaacay gantaallada Iran.
“Dagaalyahannada Ciidanka Cirka ee IRGC, waxay hawlgal saamayntiisa wata ay gantaalo ku garaaceen,xarunta sirdoonka milatariga, in kasta oo ay haysteen nidaamka difaaca hawada oo aad u hormarsan” ayay hay’addu ku qortay Telegram.
Israa’iil ayaan ka hadlin weerarka la sheegay in lagu qaadayMossad, waxaana xannibaadaha dowladda qaarkood ka mid ah in goobaha la beegsaday aysan tabin karin warbaahinta ka howlgasha Israa’iil.
Leave a Reply