Isra’iil oo qorsheyneeso nooca weerar ay ku qaadir karto Iran iyo sidii ay ugu aargudan laheyd.

Isra’iil oo qorsheyneeso nooca weerar ay ku qaadir karto Iran iyo sidii ay ugu aargudan laheyd.

Tel Aviv (Raxanreeb online) – Madaxda sare ee maamulka Israa’iil ayaa go’aanno adag ka gaaray weerar aargudasho ah oo ay ku qaadaan dalka Iran, waxa ayna madaxda sare ee maamulkaasi isla meel dhigeen nuuca weerar ay ku qaadi karaan dowladda Iiraan.

Sidoo kale, Wasiirka difaaca maamulka Israa’iil oo shirka kaddib qoraal soo saaray, ayaa sheegay in weerarka ay kaga aargoosan doonaan dalka Iiraan uu noqon doono mid halistiida wata, waxa uuna xusay in weerarkaasi uu u dhici doono sidii loo qorsheeyay oo layaab leh.

“Waxaan ku qaadi doonaa weerar aysan khasaarihiisa aysan saadaalin karin .Ma fahmi doonaan waxa dhacay iyo sida ay wax u dhaceen, keliya waxay arki doonaan natiijada weerarka aan qaadi doono,” ayuu yiri Wasiirka Difaaca Israa’iil Gallant.

Dhanka kale, Hanjabaadan adag ee kasoo yeertay maamulka Israa’iil, ayaa kusoo aadeysa saacado kaddib markii wadahadal dhinaca telfoonka yeesheen Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden iyo Ra’isul Wasaaraha Israa’iil, kuwaa oo ka arrinsaday nuuca weerar ee lagu qaadi karo Iiraan.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden, ayaana la wadaagay Ra’isul Wasaaraha Israa’iil walaaca ay ka qabaan nuuca uu noqon  doono weerarka aargoosiga ah, waxa ayna labada dhinac isla meel dhigeen meelaha suurto galka ah ay Israa’iil ka beegsan karto Iiraan.

Xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad  ee dalka Mareykanka Kariin Joon-Pia , ayaa wadahadalka Biden iyo Benjamin Netanyahu kaddib qoraal ay soo saartay ku sheegtay in wadahadalku uu ahaa mid miro dhal ah oo arrimo xasaasi ah looga wadahadalay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.