Jubbaland  Maxay ka tari weerarkii Hotelka Tawakal ee Kimaayo ?

Kismaayo (Raxanreeb ) Saraakiisha ammaanka ee maamulka jubland ayaa sheegay in ay toogteen dhamaan ragii weerarar shalay hoteelka tawakal ee magaalada kismaayo.

Laamaha amaanka oo aan bixin faah faahin buuxda oo ku saabsan khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarka hoteelka ayaa soo bandhigay meydadka ilaa 3dagaalame oo ay sheegeen in ay ahaayeen shabaabkii gudaha ugalay hoteelka.

 “ciidankeena geesiyaasha ahaa toogtay dhamaan ragii soo weeraray hoteelka tawakal shalay duhurkii, waxaana qeyb ka ahaa soo afjirta shacabka oo ciidanka u muujiyey garab istaag” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Jubaland.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa si kulul uga hadlay weerarkii ay Al-shabaab ku so qaadeen hotel Tawakal hayeeshee sidii ay damacsanaayeen aysan waxbo ugu hirgalin.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa shacabka reer Kismaayo ugu baaqay isku duubni, wadajir iyo sii joogteynta la shaqeynta laamaha ammaanka, si looga guuleysto Al-Shabaab oo fuliya weeraro ay ku waxyeeloobaan dad Shacab ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.