Wasiir Juxa ‘’ Ma jirto wax la yirahdo ku darsasho  ‘’

Wasiir Juxa ‘’ Ma jirto wax la yirahdo ku darsasho  ‘’

Garoowe (Raxanreeb ) Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Jubbaland ayaa sheegay in aysan jirin walwal lag qabo in xukuumadda Saciid Cabdullaahi Deni ay ku dhawaaqdo muddo kororsi.

Wasiir Juxa ayaa sheegay in doorashada la qaban doonto waqtigeeda isla markaana ay ka shaqaynayaa hannaanka doorasho ee maamulka Jubbaland.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland ayaa carrabka ku dhuftay in Boqolaal Wiil ay ku dhinteen arrinta ku darsashada taasina ay ka barteen cashar qaraar oo aan habboon in dib loogu laabto.

‘’ Dadka Puntland waxaan u sheegaynayaa in aysan jirin wax la yirahdo ku darsasho mana ah wax la ogolaan karo ‘’  ayuu yiri Cabdi Faarax Siciid Juxa.

Intaas waxa uu warkiisa ku daray in dhankooda diyaar ay u yihiin in ay ka jawaab celiyaan wax kasta oo  isfaham uu ka jiro ee la xiriira arrimaha doorashooyinka Puntland.

Siciid Cabdullaahi Deni, waa Madaxweynihii 6aad ee soo maray Puntland, 8dii Janaayo 2019 ayuu ku guuleystay xilka, Urur Siyaasadeedka KAAH ayuu ku metalayaa Doorashada la filayo in ay noqoto mid Dadweyne.

Leave a Reply

Your email address will not be published.