Maxey tahay qorshaha uu hoggaamiye Aadan Madoobe u tagay Muqdisho ?

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Hoggaamiyaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si weyn maanta loogu soo dhoweeyay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka, halkaas oo uu uga bilaabanayo kulamo lagu xoojinayo wada-shaqeynta u dhaxeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya, Saaxibada Beesha Caalamka iyo Dowladda Koonfur Galbeed.

Hoggaamiyaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kuso dhoweyey Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowladd Federaalka Soomaaliya, xubno ka socday Dowladda Koonfur Galbeed iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada Caasimada.

Safarkan shaqo ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Koonfur Galbeed ay ugu jirto xoojinta xiriirka iyo iskaashiga kala dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Saaxibada Beesha Caalamka si loo dardargeliyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed iyo kuwa lagu xoojinayo dowladnimada Koonfur Galbeed.

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Shekh Aadan Madoobe ayaa inta uu ku suganyahay Magaalada Muqdisho wuxuu kulamo miro-dhal ah la yeelan doonaa Madaxda ugu Saraysa Qaranka iyo Dowladaha Taageera Soomaaliya Kulamadaas ayaa diiradda lagu saari doonaa adkeynta amniga, dardargelinta howlgalka ciribtirka kooxaha Khawaarijta, horumarinta adeegyada bulshada, xoojinta iskaashiga hay’adaha dowladda, hirgelinta mashaariicda horumarineed ee Dowladda Koonfur Galbeed, iyo arrimo kale oo muhiim u ah horumarka iyo xasilloonida dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.