Kismaayo ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta tababar usoo xiray Ururka Gaarka ah ee Duufaan ee Ciidamada Darawiishta Jubaland.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in casharrada kala duwan ee ay qaateen, gaar ahaan la dhaqanka bulshada, loo baahan yahay in laga dareemo deegaannada cadowga ay ka xoreynayaan maalmaha soo socda. Wuxuu xusay in guusha howlgaladu aysan ku koobnayn oo keliya dhinaca amniga, balse ay muhiim tahay in ciidamada ay kasbadaan kalsoonida iyo taageerada shacabka ay u adeegayaan.
Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey ciidamada dadaalka ay muujiyeen muddadii uu tababarku socday, isagoo ku dhiirrigeliyey inay si hufan uga soo baxaan waajibaadka qaran ee loo igmaday, isla markaana ay door muuqata ka qaataan xoreynta iyo sugidda amniga deegaannada Jubaland

Leave a Reply