Baydhabo ( Raxanreeb Online) Maamul dowlad goboleedka Koofur Galbeed ayaa si rasmi ah u shaacisay in uusan ka qaybgali doonin tartanka ciyaaraha kubbadda cagta ee dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo la qorsheynayo in dhawaan lagu qabto Muqdisho.
Koonfur Galbeed ayaa go’aankeeda ku sababaysay dhowr qodob oo oo ay ka mid yihiin in aan weli laga wada hadlin, islamarkaana aan xal rasmi ah loo helin tabashooyinkii iyo dhibaatooyinkii hore loo gaarsiiyay ciyaartooyda Koofur Galbeed.
Sidoo kale waxay Koonfur Galbeed sheegtay in waqtiga la shaaciyay tartanka uusan ahayn mid ku habboon, ayna jirto baahi loo qabo tashi guud iyo wada-xaajood dhammaystiran oo lagu saleeyo hannaanka tartanka.
Dhanka kale Puntland ayaa iyaduna diidan ka qaybgalka tartanka ciyaaraha kubbadda cagta ee dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, iyadoo aan sanadkii horena ka qaybgalin.

Leave a Reply