Kooxda Xuutiyiinta oo beeniyay in ay lacag ka qaataan Maraakiibta

Sanca ( Raxanreeb Online) Hay’adda Isku-xirka Arrimaha Badda ee ay maamulaan Xuutiyiinta Yemen, ayaa beenisay wararka sheegaya in kooxdu qorsheynayso in ay canshuur ama khidmad ka qaaddo maraakiibta ganacsiga ee mara Marinka Baab al-Mandab.

Hay’addu waxay bayaan ay soo saartay Sabtidii ku sheegtay in “aan wax go’aan ah laga gaadhin arrintan, isla markaana maritaanka maraakiibta ee marin-biyoodkan muhiimka ah uu weli yahay mid xor ah.

Kooxda Xutiyiinta, ayaa sheegay in Maraakiibta ganacsiga ee laga lee yahay dalalka Mareykanka iyo Israa’iil, aysan isticmaali doonin Marinka Baab al-Mandab.

Sidoo kale Jawaabtan ayaa timid kaddib markii wakaaladda wararka ee Reuters ay Arbacadii sheegtay, iyadoo soo xiganaysa ilo ka tirsan gobolka, in dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta ee Iiraan taageerto uu qorshaynayo in uu lacag ka qaado maraakiibta ganacsiga ee mara koonfurta Badda Cas, kaddib markii Sacuudi Carabiya ay ku dhawaaqday xannibaad badeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.