Muqdisho ( Raxanreeb Online) Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM), Jeneraal Dagvin Anderson, ayaa ka jawaabay inay jirto suuragalnimo Mareykanka kaga dhisanayo saldhig milatari magaalada Berbera.
Taliyaha oo aan ka leexleexan ayaa si toos ah uga jawaabay “Marnaba ma jiro qorshe aan uga dhisanayno saldhig ciidan Somaliland.”
Sidoo kale Taliyaha ciidamada Mareykanka AfRICOM, ayaa beeniyay in ay jiro qorsho lagu aqoonsanay, isla markaana Mareykanka uu mar walbo ilaalinayo midinimada Soomaaliya.
“Mareykanka ee AFIRCOM, ayaa sheegay in siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanku ay wali ahmiyadda koowaad siineyso madaxbannaanida iyo Wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, uuna adkeeyay in xiriirka wadashaqayneed ee labada dal uusan wax iska badali doonin” ayuu yiri Jeneraal Dagvin.
Taliyaha Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in taageerada uu Mareykanku siiyo Soomaaliya ay sii socon doonto iyadoo lagu saleynayo heerka xasilloonida siyaasadeed iyo horumarka laga sameeyo dhinaca amniga.
Taliyaha AFRICOM wuxuu xusay in iskaashiga labada dal uu weli yahay mid muhiim ah, gaar ahaan dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab iyo xoojinta awoodda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, isa markaana ay dowladda kala shaqeyn doonaan in dalka laga xoreyo maleeshiyaadka Al-shabaab.

Leave a Reply