Ku dhawaad lixdan tahriibayaal ah oo ku geeriyooday badda Talyaaniga

Ku dhawaad lixdan tahriibayaal ah oo ku geeriyooday badda Talyaaniga

Rome (Raxanreeb) — Ugu yaraan 59 qof oo tahriibayaal ah oo ay ku jiraan 12 caruur ah ayaa ku dhintay tobonaan kale waa la la’ayahay kadib markii doonidii ay la socdeen ay kula degtay badda koonfurta Talyaaniga.

Doonta ayaa kala go’day xilli ay doonaysay in ay ku dagto meel u dhow magaalo xeebeedka Crotone ee gobolka Calabria.

Kooxaha gurmadka ayaa sheegay in ugu yaraan 150 qof ay saarnaayeen doontaas, qaar badan oo ka mid ah dadkaas ayaa ka cararayay xaalado adag, ayuu yiri madaxweynaha Talyaaniga.

Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Talyaaniga , Matteo Piantedosi, oo goobta booqday ayaa sheegay in ilaa 30 qof laga yaabo in wali la la’yahay.

Ilmo yar oo loo malaynayo inuu jiray dhawr bilood ayaa ka mid ah dadka dhintay, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Talyaaniga ee Ansa.