Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay in 5 July 2026 la qaban doono doorashada Guddoonka goleyaasha deegaanka ee gobolka Banaadir.
Qoraal kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu faray Ururada siyaasadda ee qeybta ka noqday doorashada goleyaasha deegaanka degmooyinka gobolka Banaadir, lagu wargeliyay in ay u diyaar garoobaan doorashada maadama lagu mashquulayo todobaadka xorriyadda.
“Iyada oo la tixgelinayo baahida loo qabo diyaar garoowga Ururada siyaasada ee ku tartamay doorashadii 25 December 2026 ee ka dhacday gobolka Banaadir iyo xubnaha goleyaasha deegaanka degmooyinka gobolka Banaadir ee la doortay. Isla markaana laga-garwaaqsaday baahida loo qabo in la qabto doorashada Guddoonka goleyaasha degmooyinka si ay u gutaan waajibaadka saaran” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo wasaaradda arrimaha gudaha ee Soomaaliya.
Sidoo kale wasaaradda ayaa xustay in iyada oo arrintaas ka duuleysa ay asteeysay in maalinta la qabanayo doorashada Guddoonka goleyaasha degmooyinka gobolka Banaadir ay noqoto 5 July 2026.
Hoos ka akhriso qoraalka oo war-saxaafadeedka.


Leave a Reply