Kulan looga hadlayo dagaalka Yahuuda iyo Iiraan oo maanta ka qabsoomaya magaalada Geneva

Geneva ( Raxanreeb Online) Waxaa maanta oo Jimce ah magaalada Geneva ka furmaya kulan diblomaasiyadeed oo heer sare ah, iyadoo ay isugu imaanayan Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Faransiiska, Jarmalka, iyo Britain. sidoo kale mas’uulka ugu sarreeya siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub.

Mas’uuliyiintan ayaa kulankooda waxa ay la yeelan doonaan Abbas Caraqch oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Iiraan, waxaana kulanka diirada lagu saari doonaa arrimaha dagaalka Israaiil iyo Iiraan iyo arrimaha nukliyeer ka ah.

Kulanka ayaa kusoo beegmay xilli colaadda ka dhex aloosan Israa’iil iyo Iran ay gaartay heer xasaasi ah, iyadoo Israa’iil lagu eedeeyay inay weerar ku qaaday xarumo nukliyeer oo Iran leedahay

Leave a Reply

Your email address will not be published.