Balad-xaawo ( Raxanreeb Online) Guddoomiyaha Degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo, Cabdicasiis Xareed Cabdullaahi, ayaa maanta shir guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Amniga Degmada.
Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb galay saraakiisha ciidamada qeybaha kala duwan, oo ay ku jiraan kuwa Booliska iyo Daraawiishta. Intii uu socday shirka, saraakiishu waxay soo bandhigeen warbixinno ku saabsan xaaladda Amniga ee Degmada, halka Guddoomiyuhu bogaadiyay dadaallada ay ciidamadu ku xaqiijinayaan Amniga Degmada.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha ayaa saraakiisha ku adkeeyay in la sii xoojiyo sugidda Amniga Degmada iyo in la kordhiyo roondooyinka lagu xaqiijinayo badqabka shacabka ku nool degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.
Leave a Reply