Kulanka Golaha Wasiirada oo furmay & Qodobada looga hadlayo.

Kulanka Golaha Wasiirada oo furmay & Qodobada looga hadlayo.

Muqdisho (Raxanreeb) Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shir uga furmay magaalada Muqdisho , kaas oo looga hadlayo geedi socodka xukuumadda Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Bare.


Shirkan oo loogu magac-daray barnaamijka Banbaxa ee golaha wasiirada, kaas ayaa socon doona muddo laba cisho ah.


Guddoomiyaha Golaha shacabka iyo xubno kale oo ka tirsan labada Gole ayaa ka qayb galay shirkan oo lagu soo hadal qaadi doono arrimo xasaasi ah .


Ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre oo furay shirkan ayaa dardaaran u jeediyey xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya oo uu ugu baaqay inay la yimaadaan waxqabad muuqdo.


Xamsa Cabdi Bare ayaa sheegay in dalka uu ku jiro xaalada xasaasi loona baahan yahay in Wasiirada ay la yimaadaan waxqabad dhab ah si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan adeegyada ay ku sugayaan Dowladda.


“Mudanayaal iyo Marwooyin labada maalin ee aad ku jirtaan kulan wadareedkan waa inaad dareenkiina, maskaxdiina iyo muuqaalkiinaba isugu geysaan sidii iyo habka loo hirgelin lahaa howlaha hortebinta u leh Qaranka,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.


Maalinta Berito oo Arbaco ah ayaa waxaa la filayaa in la soo geba-gabeeyo kulan wadareedka golaha Wasiirada Soomaaliya, isla markaana lag soo saaro qodobo wax looga qabanayo dhibaatooyinka kajira dalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.