Muqdisho (Raxanreeb) Isagoo ka hadlayay shirka golaha Wasiiradda xukuumadda Federaalka ayaa Ergayga Madaxwaynaha ee arrimaha abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu sheegay in dalka ay ka jirto xaalad aan idhaha laga qarsan karin oo la xiriirta dhanka raashiinka.
Mr Shakuur ayaa shirka ka sheegay in suurtagal ay tahay Soomaaliya ay ka dhacaan dibadbaxyo la mid ah kuwa hadda ka socdaan dalalka Sri Lanka, illaa Sierra Leone .
Ergayga waxa uu xusay in labadaas dal dadkooda ay diidan yihiin raashin xumada haysta sidaas darteeda ay dhigayaan dibadbaxyo waa waayn si ay u muujiyaan diidmadooda , Soomaaliyana taas ay ka dhici karto.
“Dowladaha aad arkeysaan Sri Lanka, illaa Sierra Leone oo dibad-baxyada ay ka socdaan raashin xumada darteed way nagu soo socdaan annaga nafteenna,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in haatan xaaladda dalka ay mareyso meel halis ah oo xaga cunada ah loona baahan yahay in si dhab ah wax looga qabto.
“Aduunyada waa uu kala xiran yahay ma jiro raashiin wanaagsan meel uu dalka ka soo gali karo mana jiro raashiin la soo dhoofsan karo ” ayuu markale yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Si kasta dalka waxaa ka jirta dhibaatooyin waa wayn oo ka dhashay , abaaraha ba’an oo saameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada.
Dadkaas abuuruhu ay saameyen ayaa intood badan waxa ay soo gareen duleedyada magaalada Muqdisho , kuwaas oo dalbanaya gurmad deg deg ah.
Leave a Reply