Muqdisho (Raxanreeb) Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan qeybta 27-aad oo howl gallo kala duwan ka sameeyay ayna weli ka wadaan deegaano ka tirsan gobolka Hiiran ayaa la wareegay deegaanka Hees oo hoostaga degmada Matabaan ee gobolkaas.
Saraakiisha ciimada ayaa sheegay inay burburiyeen fariisamo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaankaasi ayagoona sheegay inay la wareegeen gacan ku haynta.
Ciidamada ayaa sheegay inay sii wadi doonaan Howlgallada ay ka dhanka ah ururka Al-Shabaab loga saarayo deegaannada gobolka Hiiraan.
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jayte ayaa ciidmada howl galka wada ku bogaadiyay asagoona sheegay inay sii wadaan illaa ay ka xureeyaan deegaannada hoos taga Hiiraan.
Ciidamda dowladda sidoo kale oo ay wehliyaan ciidamo kale oo ka tirsan deegaannadaasi oo is xilqaamay kuwaa soo loogu yeero Macawisleey.
Leave a Reply