Macallin Klopp oo si weyn u ammaanay Arsenal iyo Arteta kahor kulanka ay wada ciyaarayaan axadda

Macallin Klopp oo si weyn u ammaanay Arsenal iyo Arteta kahor kulanka ay wada ciyaarayaan axadda

London (Raxanreeb) — Jurgen Klopp oo ka hadlaya kooxda kusoo wajahan ee Arsenal ayaa yiri: “Waa koox ka duwan sidii hore, Mikel waxa uu dhisayay dhawr sano haatan, natiijaduna waa mid cajiib ah, runtii kubad fiican, ciyaartoy heer sare ah iyo qorshayaal fiican ayaa ka muuqda.

Waxaa uu sii raaciyay “runtii waxaan filayaa in Mikel uu u qalmay daqiiqad kasta oo uu halkaasi tagay markii arrimuha Arsenal aanay fiicnayn”.

“Kooxdu aad ayay u habaysan tahay, kala wareejin fiican ayaa intaas ka sii badan waana koox xasiloon, taasi waa khibarada ay hadda isticmaalayaan.”

Tababaraha Liverpool ayaa guul gaaray lixdii kulan ee ugu dambeeyay ee uu gurigiisa kula ciyaaray Arsenal.

Waxay la macno tahay inuu badin karo todobo kulan oo isku xigta oo uu ka horyimaado koox ka soo horjeeda markii ugu horeysay xirfadiisa ciyaareed ee heerka koowaad, tan iyo markii uu sidaas sameeyay kulankii Werder Bremen ee Borussia Dortmund (2009-15).

Waa wax aan la saadaalin Karin in liverpool hadda ay kasoo muuqan karto afarta koox ee ugu sarreysa horyaalka premier league.

Way adag tahay in la ogaado sababta uu hoos ugu dhacay ololaha Liverpool marka loo eego wixii la filayey.

Waxay lumiyeen Sadio Mane, Takumi Minamino iyo Divock Origi waxana kusoo biiray Darwin Nunez iyo Cody Gakpo.

Virgil van Dijk ayaa ku soo laabtay tababarka halka Luis Diaz iyo Thiago ay labaduba ku soo laabteen tababarka buuxa.