Balcad ( Raxanreeb ) Wararka RBC uu ka helayo deegaano ka mid ah Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in caawa kulan ku dhaxmaray degmadaas saraakiil ka tirsan Dowladda iyo xubno ka socda kooxda Macwiislayda.
Kulankan ayaa diirada lagu saaray sida muhiim ay u tahay in la xoojiyo amniga deegaanadii laga saaray kooxda Al Shabaab isla markaana loo dar dargalin lahaa dagaalka.
Guddomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Axmed Faal oo ay wehliyaan Xildhibaano ka tirsa Baarlamanka Hirshabelle ayaa RBC u sheegay in sidoo kale ay ka hadleen caawa in loo dhaqaaqo deegaano Al – Shabaab ay kaga sugan yihiin Gobolka Shabeellaha Dhexe.
” Waxaan rabaa in la sugo amaanka goobaha laga saaray Kooxda Al Shabaab , isla markaana la wado howlgalada ka dhanka ah Kooxda si loo nabadeeyo gobolka Shabeellaha Dhexeb” sidaas waxaa sheegay Axmed Faal oo ah Guddoomiyaha Shabeellaha Dhexe.
Ciidamo u abaabulan qaab qabiil oo la magac baxay Macwiislay ayaa deegaano badan oo gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan ka wada howlgal ay ku doonayaan in ay ku sugaan amniga isla markaana ay ugu adkaadan kooxda.
Inta uu socday howlgalka waxa ay kooxdan oo gacan ka helaya ciidanka Dowladda ay ku guulayteen in Al Shabaab ay kaga adkaadaan gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.
Leave a Reply