HORUDHAC : Inta uu la eg yahay qaraxa caawa ka dhacay Muqdisho.

Muqdisho (Raxanreeb ) 6 ruux ayaa ku geeriyooday Qarax Miino oo caawa ka dhacay xaafadda Ceelqalow dee degmada Wadajir.

Miinada oo lagu aasay dhinaca waddada ayaa qaraxday waxaana ka dhashay qasaare naf iyo maal, gaadiidka gurmadka Ambalaska ayaa goobta ka daabulay dhaawacyada iyada oo dad goobjoogayaal ah ay sheegeen in goobta weli yaallaan dad go’goay oo la aqoonsankarin.

Tiradan dhimashada ah ayaa ah mid horudhac ah ee uu helayo RBC , waxaana suurtagal ah in intaas ay ka badan karto , maadama xilli habeen ah uu dhacay.

Qaraxa xooggan ayaa laga maqlay qaar ka mid degmooyinka magalada Muqdisho waxa uu  ka dhacay xafadda Buula xuubay gaar ahaa nawaaxiga ceelqalow.

Waxaa goobta xiray ciidamo  ka tirsan Dowladda Federaalka  ka waxaa jira khadaare kala duwan oo soo gaaray  dad shacab ah oo ka ag dhawaa goobta .

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxan ka dhacay magaalada Muqdisho , waxaana ciidanka dowladda ay wadaan howlgalo ay ku doonayaan in ammaanka ay ku sugaan.

Wixii ku soo kordha kala soco.

Www.raxanreeb.com.

Leave a Reply

Your email address will not be published.