New York ( Raxanreeb Online) Madaxweyne Masoud Pezeshkian ayaa sheegay in Iran aysan marnaba “u jilba-dhigi doonin” cadowgeeda ka dib ku dhawaad toddoba bilood oo dagaal ah oo ay kula jirtay Mareykanka iyo Israa’iil, balse ay diyaar u tahay xal diblomaasiyadeed oo lagu soo afjarayo khilaafka.
Isagoo ka jawaabayey hanjabaadda Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ah inuu “baabi’in doono” Jamhuuriyadda Islaamiga ah haddii aan heshiis degdeg ah la gaarin, ayuu u sheegay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay: “Iska-caabbinta shacabka Iiraan way sii kordhi doontaa marka ay wajahayaan cunaqabatayn, cadaadis sii kordhaya iyo cagajugleyn”.
Pezeshkian ayaa sidoo kale ku adkaystay in heshiis kastaa uu qasab ku yahay inuu ku daro joojinta xayiraadda Mareykanka ee ka horjoogsanaysa maraakiibta Iiraan inay isticmaalaan marin-biyoodyada muhiim ah oo ku yaalla Gacanka.
“Ma noqon karto mid la aqbali karo in qof kastaa uu ka faa’iidaysto Marinka Hormuz, iyadoo annaga naloo diidayo inaan isticmaalno” ayuu yiri.
Ma jirin wax jawaab degdeg ah oo ka timid dhinaca Mareykanka oo wafdigoodu ay ka baxeen hoolka shirka markii uu bilaabay khudbadda Pezeshkian.

Leave a Reply