Madaxweynaha Masar oo soo jeediyay in xabada joojin labo maalmood ah dhexmarto Isra’iil & Falastiin.

Madaxweynaha Masar oo soo jeediyay in xabada joojin labo maalmood ah dhexmarto Isra’iil & Falastiin.

Qaahira (Raxanreeb online) – Madaxweynaha dowladda Masar Cabdelfatax Al-Sisi ayaa Axaddii shalay ku dhawaaqay in dalkiisa uu soo jeediyay xabbad joojin laba maalmood ah oo dhexmarta Israa’iil iyo Xamaas, muddadaas oo lagu sii deyn doono afar qof oo ka mid ah Isra’iiliyiinta ku afduuban Gaza.

Sidoo kale, madaxweyne Al-Sisi ayaa sheegay in soo jeedinta ay sidoo kale qeyb ka tahay in xasbiyada Isra’il laga sii daayo qaar ka mid ah maxaabiista Falastiiniyiinta iyo in gargaar bini’aadannimo la gaarsiiyo Marinka Gaza.

Dhanka kale, Sisi wuxuu sheegay in qorshana soo jeedinta ah ay ujeedadiisu tahay “in xaaladda horay loo sii wado,” iyo in ugu danbeynti la gaaro xabbad-joojin joogta ah.

Ma jirto jawaab deg deg ah oo ilaa iyo hadda kasoo baxday Isra’il iyo Xamaas oo ku saabsan warka kasoo baxay Dowladda Masar. Wadahadallada soo socda ee xabad-joojinta Gaza ayaa la filayaa in lagu qabto magaalada Doxa ee dalka Qatar.

Sikastaba, Maraykanka, Qatar iyo Masar ayaa garwadeen ka ahaa wadahadalo lagu soo afjarayo dagaalka Gaza ee u dhaxeya Isra’il iyo Xamaas, kaas oo billowday 7-badi bishi October ee sannadki 2023.

Leave a Reply

Your email address will not be published.