Muqdisho ( Raxanreeb Online) Digreerto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho loogu magacaabay Dr Xasan Maxamed Xuseen ( Muungaab), iyada sidoo kale xilka laga qaaday guddoomiyihii gobolka Banaadir Maxamed Axmed Amiir.
Qoraalka kasoo baxay Villa Somalia, ayaa lagu sheegay in madaxweynaha uu ku saleeyey magacaabistan aqoonta iyo waayo-aragnimada shaqo ee uu leeyahay Guddoomiye Muungaab oo horey xilkan u soo qabtay, door wanaagsanna ka soo qaatay dib u dhiska magaalads Muqdisho iyo guud ahaan horumarinta adeegyada uu bixiyo maamulka Gobolka Banaadir.
Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Guddoomiyaha cusub in uu mudnaan siiyo harumarunta caasimadda, dib u heshiisiinta, xoojinta wadashaqeynta laamaha ammaanka iyo bulshada Gobolka Baanaadir, bilicda iyo baahinta adeegyada aas-aasiga, kuwaas oo dhammaantood hortabin u leh dowladda.
Ugu dambeyn madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, in Eebe uu u fududeeyo masuuliyaddan culus, isagoo ku adkeeyey dhammaan hay’adaha dowladda ee ay shaqo wadaagta yihiin in ay si dhow ula shaqeeyaan Maamulka cusub ee Gobolka Banaadir.
Leave a Reply