Hargeysa (Raxanreeb online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa qaabiley wefdi ballaaran oo ka kooban xildhibaano iyo masuuliyiin kala duwan oo ka socda dalalka Kenya iyo Ethiopia oo Somaliland u joogay shir ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Shaqo-gelinta Arrimaha Bulshada Iyo Qoyska Somaliland oo muhiimadiisu ahayd dhiirigelinta haweenka iyo khibrad wanaaga arrimaha haweenka.
Sidoo kale, madaxweynaha Biixi oo wefdigan kusoo dhaweeyay Qasriga madaxtooyada Somaliland ayaa uga waramay marxaladihii uu soo maray maamulkiisa iyo halka uu wakhtigan marayo oo ku yimid dedaal badan oo ay ka miro dhaliyeen dawladihii xukunka u kala danbeeyey iyo shacbiga Somaliland oo ah kuwo marwalba barbartaagan Dawladooda.
Weftiguna waxa ay madaxweynaha iyo shacbiga Somalilandba uga mahadnaqeen sida milkaha iyo sharafta leh ee ay ugu soo dhaweeyeen Hargeysa, waxaanay la dhaceen kana hadleen horumarka dhinacyada kala duwan leh ee ku tallaabsaday maamulkiisa.
Dhanka kale, madaxweynaha waxa kulanka ku wehelinaayey masuuliyiinta ugu saraysa Wasaaradda Shaqo-gelinta Arrimaha Bulshada Iyo Qoyska Somaliland oo ka kooban Wasiir Cali Cumar Maxamed (Cali Xoorxoor), Wasiir ku xigeen Marwo Yurub Abiib Cabdi, Agaasimaha Guud Axmed Xasan Aw Aadan, Xildhibaan Fu’aad Axmed Diiriye iyo Muuna Ciise Mahad.
Wefdiga oo iyagana waxaa kamid ahaa, Senator Hamida Ali Kibwana oo ah Guddoomiyaha Ururka Haweenka Kenya, Xildhibaanada kala ah Faadumo Cali, Ummulkheir Kassim, Ngelechei Caroline Jeptoo oo ka mida Baarlamaanka Kenya iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Jinsiga iyo Dhallaanka ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Marwo Ubax Cabdiraxmaan.
Leave a Reply