Madaxweyne Erdogan oo bannaanka keenay arrimo badan oo Isra’iil damacsantahay.

Madaxweyne Erdogan oo bannaanka keenay arrimo badan oo Isra’iil damacsantahay.

Ankara (Raxanreeb online) – Madaxweynaha dalka Turkiga Erdogan ayaa sheegay qorsheyaal halis ah oo ay damacsan tahay Israel oo hadda dagaal ka wada Magaalada Gaza ee dhulka Falastiin.

“Israa’iil waxa ay qorsheyneysaa inay qabsato Daanta Galbeed, mana ku ekaan doonto Qasa, waxayna damci doontaa dhulka Jordan (Urdun), Lubnaan, Suuriya iyo xitaa Turkiga marka ay qabsato Ramallah” ayuu yiri Erdogan.

“Tallaabada kaliya ee lagu joojin karo argagixisada Israa’iil waa isbahaysi ay yeeshaan waddamada Islaamka” ayuu intaas ku daray.

“Xamaas iyagoo ka wakiil ah dunidda Islaamka , waxay u halgamayaan magaca Muslimiinta, Ka-hortagga argagixisada Israa’iil waa waajib Islaami ah.” ayuu sidoo kale Erdogan.

Sidoo kale, Turkiga ayaa toddobaadkan la galay Masar, heshiis ay labada dal si isku mid ah u adeegsan karaan saldhigyada badda, taasoo awood u siinaysa Turkiga inuu ballaariyo joogitankiisa bariga dhexe.

Dhinaca kale, Israa’iiliyiin caraysan oo xeebta Tel Aviv ka cayrsaday wasiirka xagjirka ah ee amniga Israa’iil, Ben Gvir.

Sikastaba, Israa’iiliyiinta ayaa diiddan nidaamka xagjirka ah ee Netanyahu, sababo la xiriira inay hortaagan yihiin sii deynta maxaabiista Israa’iiliyiinta ah ee Qasa lagu hayo, kuwaasoo meydadkooda gododka Qasa laga soo helayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.