Qahira (Raxanreeb) — Madaxweynaha dalka Masar, Cabilfataax Alsisi, oo martiqaad rasmi ah, u sameeynaya madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo hadda safar shaqo ugu maqan dalka Eritrea, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Sonna.
Martiqaadkan ayaa madaxweynaha Soomaaliya, soo gaarsiiyay wafdi sare oo ka socday dalka Masar kaas oo maalintii Axadda la shiray madaxweyne Xasan Sheekh, Villa Somalia.
Sonna, ayaa daabacday intii uu socday kulankaasi ay wafdiga ku cel celiyeen in madaxweyne Al-sisi, si aan ganbaad iyo leexleexasho lahayn u taageersan yahay gobannimada iyo madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.
Dhanka kale dowladda Jabuuti, ayaa war kasoo saartay sida ay uga walaacsan tahay xiisadda ka dhex aloosantay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo Itoobiya.
Waxay sheegtay Jabuuti, oo haatan haysa xilka madaxtannimada Urur Goboleedka IGAD, ay si xooggan u caddeyneyso mowqifkeeda ku aaddan taageerada ilaalinta gobannimada, midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee dhammaan waddamada xubnaha ka ah, Ururka, taasi oo aasaas u ah, mabaadii’da iyo xeerarkii lagu aasaasay Ururka Midowga Afrika, sannadkii 1996-kii.
“Jamhuuriyadda Jabuuti waxay ugu baaqaysaa labada waddan ee walaalaha ah inay qaataan dariiqa wadahadalka si ay uga shaqeeyaan dejinta [xiisadda],” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Jabuuti.