Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay geerida ku timid xildhibaan Suuri Diiriye

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey geerida, Alle ha u naxariistee, Xildhibaan Suuri Diiriye Carab oo ka tirsaneyd Baarlamaankii 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Marxuumaddu ay muddo dheer u soo adeegaysay dalka, iyada oo door muuqda ka soo qaadatay howlaha sharci-dejinta muddo ku dhow 25 sano.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyey qoyska, ehelada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxday Xildhibaan Suuri Diiriye Carab inuu sabar iyo iimaan ka siiyo, isagoo Alle uga baryey in uu hooygeeda ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan Qaranka Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.