Wasiirrada arrimaha dibadda Carabta oo kulan degdeg ah ka yeeshay dagaalka Iiraan iyo Yahuuda

Istanbul ( Raxanreeb Online) Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa ka qeybgalay shir degdeg ah oo ay iskugu yimaadeen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carabta oo lagaga hadlay xiisadda ka dhex-aloolsan Iiraan Iyo Israaiil

Shirka degdega ee ay iskugu yimaadeen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carabta, ayaa lagu qabtay codsi ka yimid Jamhuuriyadda Ciraaq si looga hadlo xiisadihii u dambeeyay ee u dhaxeeyey Iiraan iyo Israa’iil.

Kulankan ayaa dhacay xilli xiisad goboleed oo xasaasi ah ay taagantahay, waxaana diiradda lagu saaray xoojinta midnimada Carbeed iyo dejinta mowqif isku-duwan si loo xakameeyo xiisadaha cirka isku sii shareeraya, loona dhowro amniga iyo xasilloonida gobolka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.