Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilkii ka qaaday taliyihii amniga ka dhigay Muqdisho

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xilkii ka qaaday taliyihii guutada 23-aad ee ciidanka Boolis militaariyo Gaashaanle Aadan Jeele.

Sida ay sheegayaan wararka soo baxaya taliye Aadan Jeele, ayaa la tilmaamay inuu diiday inuu ka qeyb galo howlgalkii lagu weeraray xubnaha mucaaradka ee dowladda.

Aadan Jeele, ayaa la tilmaamay in lagu badalay Cabdullaahi Cismaan Jimcaale oo ah sarkaal aad ugu dhow madaxweyne Xasan Sheekh.

Taliyaha guutada 23-aad ee ciidanka Boolis militaariyo, ayaa la sheegay inuu gabi ahaanba dhagaha ka fureystay qorshaha lagu weeraray madaxweynihii hore Shariif Sheekh  iyo Ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, kuwaasi oo diidan muddo kordhinta madaxweynaha.

Ciidanka Boolis militaariyo, ayaa markii hore taageero ka heli jiray dowladda Imaaraatka, ka hor inta aysan dowladda federaalka xiriirka u jarin dalkaasi.

Sikastaba, dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in weli ay sii xoojineyso cadaadis ay ku heyso xubnaha mucaaradka oo ka biyo diidan hannaanka doorashada Qof iyo Cod ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud doonayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.