Boosaaso (Raxanreeb Online) Kooxo burcadbadeed ah ayaa lasoo warinaya in labo markab oo ganacsi ku weeraray marin-biyoodka Gacanka Cadmeed iyo xeebaha Bari ee Puntland, kuwaas oo ugu dambeyn ka badbaaday isku dayo lagu doonayay in lagu qafaasho.
Markabka xamuulka qaada ee Greta Star oo wata calanka Panama ayaa la sheegay in 15-kii bishan Juun ay u soo dhawaadeen rag hubeysan oo saarnaa doon yar, xilli uu marayay koonfurta xeebaha dalka Yemen.
Shirkadda ammaanka badaha ee Vanguard Tech ayaa sheegtay in kooxda burcadbadeeda ah ay rasaas culus ku furtay markabka, balse shaqaaluhu ay kordhiyeen xawaaraha markabka, iyaga oo qaaday tallaabooyin amni oo sababay in weerarku fashilmo.
Geesta kale saacadihii la soo dhaafay markab kale oo xamuul guud sida kuna socdaalayay calanka Palau isna lagu weeraray meel qiyaastii 32 mayl-badeed koonfur kaga beegan degmada Xaafuun ee gobolka Bari.
Waxaa la sheegay in markabkaas ay weerareen labo doonyood oo ay saarnaayeen ilaa 12 nin oo hubeysan, kuwaas rasaas ku furay markabka, iyagoo ku amray in uu istaago.
Kooxda ilaalada gaarka ah ee saarneyd markabka ayaa iyaguna rasaas ku faray kooxda weerarka soo qaaday, waxaana muddo ku dhow 30 daqiiqo socday rasaas, ka hor inta aan la eryin doonyihii weerarka waday.
Dhacdooyinkan sii kordhaya ayaa ku soo aadaya, iyada oo ilaa saddex markab lagu haysto xeebaha Puntland, isla markaana ay kordheen weerarada falalka burcad-badeeda Soomaalida.

Leave a Reply