Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saakay soo gaaray magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka yimid dalka Turkiga,Waxaana tan iyo markii uu xilka wareejiyey uu ku sugnaa dalka dibaddiisa.

Mas’uuliyiin kala duwan oo ay ku jiraan xildhibaano ayaa soo dhaweeyntiisa ka qeyb qaatay.

Dib u soo laabashada madaxweynahii hore ee dalka Maxamed Farmaajo ayaa horay loo sii oogaa, waxaana mas’uulkan uu dalka ka maqnaa mudo ka badan 2 sano oo uu dibad joog ahaa.

Imaashaha Farmaajo ee Muqdisho ayaa ah mid la xiriirta arrimaha siyaasadda, gaar ahaan doorashooyinka, maadaama dalka uu dhawaan galayo doorashooyin aad u adag oo loogu tartami doono xilka madaxweynanimada Soomaaliya.

Geest kale Madaxweyne hore ee dalka Farmaajo ayaa qorsheynaayo inuu magaalada Muqdisho ka bilaabo kulamo siyaasadeed, kuwaas oo diiradda uu ku saari doono xaaladda siyaasadeed ee haatan taagan iyo arrimaha Dastuurka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.