Magaalada Boorame ayaa maantay lagu qabtay Carwada Shaqo Abuurka.

Magaalada Boorame ayaa maantay lagu qabtay Carwada Shaqo Abuurka.

Boorame (Raxanreeb) — Magaalada Boorama waxa maantay lagu qabtay carwada shaqo abuurka ee jamhuuryadda iskeed ugu dhawaaqday gooni u istaageeda ee Somaliland. Carwada ayaa waxaa ka qeeyb galay shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay iyo dadka shaqa doonka ah iyada oo shirkaduhuna ay soo bandhigeen wxii ay shaqo ay dadka u hayaan.

Sida uu BBCda u sheegay wasiirka wasaaradda Shaqo gelinta Arimaha Bulshada ee Somaliland Cali Xoor-Xoor “ ilaa iyo 140 shaqo ayaa la filayaa in looga dhawaaqo carwadan” sidoo kale waxa jira tababarro badan oo lagusoo bandhigi doono carwada kuwaas oo ay ka faa’ideeysan doonaan dadka shaqo doonka ah.

Carwada ayaa waxaa soo qabanqaabiyay wasaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada , hay’ado badan oo maxali ah iyo kuwa caalami ahina waxa ay ka taageeraan dhinaca qalabka iyo maaliyadda.

Guud ahaan carwada aya sanadkii hore shaqooyin iyo tababarro siisay dad gaaraya ilaa 300 qof sida u BBCda u sheegy wasiir Cali Xoor-Xoor. Marka la eego xaddiga shaqo la’aanta oo aad u sareeysa, shaqooyinka sanad kasta abuurma ayaa waa wax kooban ah oo aan wax weyna ka tari Karin baahida shaqo ee jirta .